Fana: At a Speed of Life!

Armenia oo Turkiga ku eedeysay iney diyaarad dagaal ka soo ridday

Ababa Sep 30, 2020 (Maskerem 20,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Armenia ayaa sheegtay duuliyaha diyaaradda SU-25 oo uu Ruushka sameeyey inuu dhintay ka dib markii ay gantaal ku dhufatay diyaarad F-16 oo laga leeyahay Turkiga oo ku soo xadgudubtay hawada dalka Armeniya.

Balse Turkiga oo si weyn u taageera Azarbajaan ayaa eedda ay u soo jeedisay Armenia ku gacan seydhay.

Ku dhawaad 100 qof oo ay dad rayad ah ku jiraan ayaa ku dhintay dagaalki seddexda maalmood ka socday dhulka buuraleyda ee lagu muransan yahay.

Dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh ee lagu muransan yahay ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dalka Azarbajaan, balse tani iyo dagaalki 1988-1994-tii dhexmaray labada dal oo ka wada tirsanaa Jamhuuriyaddi Midowgii Soofiyeti waxaa dhulkaasi gacanta ku hayey qowmiyad ka soo jeeddo Armeniya

Azarbajaan waxay marar badan sheegtay diyaarad F-16 iney ciidamadeeda cirka ku hubeysneen, balse ay diyaaradaha noocaasi leeyihiin Turkiga.

Dagaalkaasi oo gobolka ay labada dal isku hayaan ka billowday seddex maalmood ka hor ayaa hadda u muuqda inuu ka gudbay dhulki la isku hayey oo uu ka socdo xuduudaha kale ee labada dal.

Labada dal midba midka kale wuxuu ku eedeeynayaa dagaalkan ugu dambeeyey inuu isagu billaabay.

Turkigana si cad oo aan gabbasha laheen wuxuu u sheegay inuu Azarbajaan uu wax kasta uu awoodo uu ku taageerayo, halka Ruushka oo saldhig ciidan ku leh dalka Armenia saaxibna la ah Azarbajaan uu labada dal ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Armenia Shushan Stepanyan waxay sheegtay diyaarad dagaal oo ay Armenia leedahay oo nooceedu yahay SU-25 subaxnimadii talaadada in la soo riday duuliyihi diyaaraddaasi duulinayeyna uu dhintay.

Qoraal ay barteeda facebook soo dhigtay waxay ku sheegtay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo Turkiga laga leeyahay iney 60 km hawada Armenia gudaha u soo gashay,balse Turkiga ayaa markiba hadalka Armenia ka soo yeedhay beeniyey.

“Armenia waa iney ka baxdo dhulka ay guumeysiga ku haysato, halka ay maciinsan lahayd dacaayado raqiis ah” ayuu yidhi madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Balse ma jirto wax caddeyn ah oo diyaaraddaasi ku saabsan oo la baahiyey. Azarbajaan waxay Armenia ugu baaqday iney soo bandhigto caddeymaha ay hayso.

labada dal oo  ka wada tirsanaan jiray midowgii soofiyeetka ayaa xiisadoodu marba marka dambaysa cirka isku shareeraysaa iyada oo ila haatan aanay jirin cid rasmiya oo u kala dab qaadaysa si loo damiyo xiisada ka aloosan xuduuda labada dal.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.