Fana: At a Speed of Life!

heshiiskii xabad-joojineed ee saddexaad oo markale lagaga dhawaaqay Nagorno-Karabakh

Addis Ababa Oct 26, 2020 (Tiqimti 16,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Xabad joojin cusub ayaa lagu wadaa inay dhaqan gasho saacado yar kaddib taasi oo u dhaxeysa ciidamada Armenia iyo Azerbaijan oo ku dagaalamaya dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wadahadaladii Washington kaddib , Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa waxay sheegtay in labada dhinacba ay isku raaceen in la dhaqan geliyo loona hogaansamo xabad joojin cusub laga bilaabo sideeda subaxnimo waqtiga maxaliga ah.

Laba xabbad-joojin oo horay u dhemartay labada dal ayaa burburay iyadoo Dagaalkana uu cirka isku shareray ka hor heshiiska.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in weli uu dagaal ka socdo dhammaan jiidaha hore.

Ku dhawaaqidda heshiiskan xabad joojinta ah ee cusub ayaa imanaya ka dib wadaxaajoodyo dhemaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka Stephen Biegun, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Armenia iyo dhigiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Dhanka kale Jimcihii, labada wasiir ayaa waxay Washington kula kulmeen Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo .

Madaxeynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u hambalyeeyay dhamman dadkii ka qeyb qaatay heshiiska xabad joojinta.

Dhex-dhexaadiyesha Yurub ee labada dal ayaa sidoo kale maalinta khamiista ah dib u kulmi doona si ay uga wada xaajoodaan dagaalka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan.

Waxaa si dhakhsiya u bur-buray heshiis xabad joojineed ee ay labada dal ku kala saxeexdeen dalka Ruushka. Madaxweynha Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa sidoo kale Ruushka uga digay inuusan qaab milatari usoo galin dagaalka labadan ee ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh.

Gobolkan ayaa si rasmiya uu caalamku ugu aqoonsanyahay in uu ka tirsan yahay Azerbaijan,balse waxa ku badan qowmiyad ka soo jeeda Armenia

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Dagaalkan oo bilowday 27 kii bishii September ayaa si dhakhsiya cirka iskugu shareeray, kaasi oo horseeday khasaaro farabadan oo naf iyo maalba leh.

Kumaan  qof oo labada dhinac ah ayaa la shageeyaa iney ku nafwaayeen dagaalka, halka tobanaan kun oo qofna ay guryahoodii ka barakeceen.

Xabad joojinta lagu dhawaaqay ayaan la ogayn in ay dhaqan geli doonto iyo inkale ,iyada oo laba jeer oo hore ay labada dhinac isku eedeeyeen ku xadgudub xabad joojineed.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.