Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Arrimaha dibada dalkan Itoobiya oo sagootiyay safiir uu muddaxileedkiisu dhammaaday

Addis Ababa,Dec 30, 2020 (Tehsas 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada dalkan Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa maanta sagootiyey safiirka uu muddaxileedkiisu ee jamhuuriyadda Azerbaijan u joogay dalkan Ethiopia, Elman Abdullayev.

Demeke ayaa ku bogaadiyay danjiraha xoojinta xidhiiidhka ka dhexeeya labada dal muddadii uu xilka hayey. Wuxuu caddeeyay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay kor u qaaddo xidhiidhka ay la leedahay dalka Azerbaijan ee dhinacyada danta guud.

Demeke waxa kale oo fursad u helay inuu sharaxaad ka bixiyo xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka Tigray, oo ay dabasocoto gargaarrada bini’aadanimo ee ay dowlada iyo hay’adaha caalamiga ee samafalku ay si wada jir u gaadhsiinayaan deegaankaas.

Danjire Elman Abdullayev ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya iyo Azerbaijan ay leeyihiin hanti dhaqameedyo kala duwan leh oo soo jiidanay iskaashi dhanka waaxda dalxiiska ah Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dalkiisu doonayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga iyo waxbarashada.

Demeke ayaa ugu dambeyntii mastaqbal wanaagsan u rajeeyay danjiraha. sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.