Fana: At a Speed of Life!

Armeeniya oo qiratay jabkii kasoo kasoo gaadhay dagaalkii Nagorno-karabakh ee ay la gashay Azerbaijan

Addis Ababa,Jan 03, 2021 (Tehsas 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Armeeniya ayaa waxa ay soo tabisay in dagaalkii lixda todobaad socday ee ay sanadkii hore la gashay Azerbaijan ay uga dhinteen dad ka badan kuwii markii hore ay qiratay.

Wasaaradda caafimaadka ee Armenia ayaa sheegtay inay baadhitaan caafimaad ku samaysay in ka badan 3300 oo mayd oo laga keenay jiidda ay ka socotay colaadda gobolkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh. Qaar ka mid dadkaas ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dad rayid ah.

Colaaddii dhex martay waddamada Armeeniya iyo Azerbaijan ee ku saabsanayd lahaanshaha gobolka uu muranka inta badan ka taagnaa ee Nagorno – Karabakh ayaa soo billowday dhammaadkii bishii September ee sanadkiitagay.

Colaaddaasi oo bishii Nofeembar lagu soo af-jaray heshiis uu gadhwadeen ka ahaa dalka Ruushka ayaa Armeeniya dhul badan looga qabsaday, waxaana jirtay in labada dhinacba ay ciidamo badan oo kumannaan gaadhaya ay kaga dhinteen colaaddaasi.

Balse ilaa haatan tirada rasmiga ah ee ciidamada Armeeniya kaga dhintay colaaddaasi lama ogayn.

Wasaarada caafimaadka Armeeniya ayaa sheegtay in baadhitaan ay ku sameysay meydadka in kabadan 3,300 oo qof oo ku dhintay colaaddaasi .

Ilaa iyo haatan ma kala cadda in meydadkaas ay yihiin ciidan ama dad rayid ah.

Hadalkan wasaaradda ayaa ka dhigan in dowladdu ay qiratay jabkii ka soo gaadhay dagaalkaasi oo dad badan oo reer Armeeniya ah ay waji-gabax kala kulmeen.

Dagaalka ka dib, waxaa dalkaasi Armeeniya ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, gaar ahaanna ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Nikol Pashinyan, kaas oo markii dambe iska-dhega-tiriy wakhti kama dambays ah oo ay dibadbaxayaasha u qabteen in uu xilka uga dego.

Mr Pahinyan ayaa waxa uu xilka la wareegay kaddib markii uu 2018-kii hogaamiyay kacaankii ugu horreeyay ee dalkaas ka dhashay kaddib dowladdii xigtay nidaamkii Soofiyeetka.

Heshiiskii uu Ruushku gadhwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigayay in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay.

Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay.

Ra’iisul wasaaraha Armenia oo sheegay inuu qaatay go’aan “xanuun badan” kaddib markii uu “si qoto dheer uu u darsay xaaladda milateri” markaasna uu ogolaaday heshiiska, iyadoo uu sidaa ku wareejiyay saddex deegaan oo Karabakh daris la ah.

Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii.

Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday.

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedA Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.