Fana: At a Speed of Life!

Bannaan-baxyo xooggan oo looga horjeedo xadhigii hoggaamiyihii la sumeeyay oo ka dhacay Ruushka

Addis Ababa,Jan 24, 2021 (Dir 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Booliiska dalka Ruushka ayaa xabsiga dhigay in kabadan 3,000 oo qof  oo dhigayay bannaan-baxyo dalka oo dhan ah ,oo ay ku ay ku dalbanayaan in lasii daayo hoggaamiyaha mucaaradka ah Alexey Navalny, kaas oo laf-dhuun gashay ku noqday xukuumadda Kremlin-ka .

Bannaanbaxyadan oo aan horay loo arag ayaa ka dhacay in ka badan 60 magaalo – heerkulkeedu aad hooseeyo gaadhana -50 Degree (-58 Fahrenheit) – taas iftiiminaysa sida Navalny uu u dhisay saameyn ka fog xarumaha siyaasadeed iyo dhaqan ee Moscow iyo St Petersburg.

Magaalada Moscow, dad lagu qiyaasay 15,000 oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay gudaha iyo hareeraha Fagaaraha Pushkin ee badhtamaha magaalada, halkaas oo iska hor imaadyo ku dhexmareen booliska oo la is baacsanayay barafka dushiisa.Navalny xaaskiisa Yulia ayaa ka mid ahayd dadka la xidhay.

Dibadbaxyadu waxay ku faafeen gobollada Ruushka, laga soo bilaabo jasiiradda magaalada Yuzhno-Sakhalinsk ee woqooyiga Japan iyo bariga Siberia ee Yakutsk, halkaas oo heerkulkeedu Zero-ga ka hoos maray -50C, ilaa magaalooyinka Ruushka ah oo aad u tiro badan.

Navalny iyo ololihiisa ladagaalanka musuqmaasuqu waxay dhisteen shabakad taageero balaadhan inkasta oo cabudhin dowladeed lagu hayo ,lagana dhagaysanin warbaahinta dowlada.

Navalny ayaa la xidhay 17-kii bishan Jeenaweri markaas oo uu dib ugu soo laabtay Moscow isagoo ka yimid Jarmalka, halkaas oo uu shan bilood ku qaatay ka soo kabashada sumayntii ay xukuumada Moscow kula kacday hoggaamiyahan , suntaas ta waxyeelaysa neerfayaasha oo ay ahayd isku day lagu dili lahaa, taasoo uu ku eedeeyay Kremlin-ka. balse Masuuliyiinta Ruushka  ayaa eedeyntaas iska fogeyeen.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in joogitaankiisii Jarmalka uu jabiyay shuruudo ciqaab ah oo la laalay oo ah dambi ciqaabeedkii 2014-kii, halka Navalny uu sheegay in xukunku uu ahaa eedeymo la sameeyay.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha Pushkin si ay uga mudaaharaadaan xadhiga lagula kacay hogaamiyaha mucaaradka Alexey Navalny oo lagu xidhay magaalada Moscow sabtidii hore.

Xadhiga ay xukuumadda Moscow kula kacday hoggaaamiyahan ayaa imanaya xilli aanay shacabka Ruushku la dhacsanayn siyaasadda ninka ka arrimaya aqalka kremlinka ee Vladamir Putin,taaas oo ay kusocdaan mawjado isbedel doon ahi.

Aljazeera

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.