Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy Axmed iyo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo khadka teleefanka kuwada hadlay

Addis Ababa,Mar 03, 2021 (Yekatit 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken ayaa shalay salaasadii ku wada hadlay khadka taleefanka.

Wadahadallada ayaa waxa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka Tigray iyo gaadhsiinta gargaarka bani’aadamnimada ee deegaankaasi.

Xoghaye Blinken wuxuu qirey dhawaqii Itoobiya ay dhawaan ku dhawaaqday ee ahaa in deegaanka Tigray uu si buuxda u heli karo gargaar bini’aadanimo oo aan la hor istaagi karin.

Waxa kale oo uu iftiimiyay sida ay Maraykanka uga go’an tahay in uu gargaar bini’aadanimo u fidiyo dadka u baahan mucaawinnada ee guud ahaan Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.