Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy Axmed oo gaadhay magaalada Mizaan Amaan ee koonfurta Dalka

Addis Ababa,June 17, 2021 (Senee 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa maanta gaadhay magaalada Mizaan Amaan ee deegaanka shucuubta koonfureed ,waxaana ujeedka safarkiisani daarranaa sidii deegaankaasi looga dhagax dhigi lahaa mashaariicda qorshaha cagaaran.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mizaan Amaan.

Muddooyinkii u dambeeyay ra’iisal wasaaraha ayaa xadhiga ka jarayay mashaariic la dhammaystiray kuwaas oo qayb ka ah qorshaha cagaaran iyo qurxinta dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.