Fana: At a Speed of Life!

taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo kulan wada qaatay

Addis Ababa,Aug 24,2021 (Nehase 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay la kulmay dhiggiisa Itoobiya ,waxayna ka wada hadleen iskaashiga amniga ee labada dal ee deriska ah.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya General Berhanu Jula ayaa kulan ku qaatay magaaladan Addis Ababa.

Labada taliye waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhexeeya labada dal, ”ayaa lagu yidhi war ka soo baxay milateriga Soomaaliya kulankaa kaddib.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya kulankaa goob joog ka ahaa oo khadka telefoonka ugu warramay  wakaaladda wararka ee Anadolu Agency  ayaa yidhi “Itoobiya waa deriskeena waxayna naga caawisaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab maadaama ciidamadooda ay ku sugan yihiin Soomaaliya kana tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.