Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Farmaajo oo soo gaadhay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Oct 04,2021 (Maskarem 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo gaadhay magaalada Addis Ababa si uu uga qeybgalo xaaladda caleemo-saarka xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo markii uu kaso degay garoonka diyaaraddaha ee Bole waxaa halkaasi ku qaabilay Wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibedda, Birtukan Ayano, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ,Wasiirka Waxbarashada Getahun Mekuriya iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.

Dhanka kale, dhowr hoggaamiye oo ka socday dalalka Afrika ayaa soo gaadhay magaalada Addis Ababa si ay uga qeybgalaan xafladda caleema -saarka xukuumadda cusub ee Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.