Fana: At a Speed of Life!

27 qof oo loo xidhay bannaanbaxyo isdabajoog ah oo ka socda Israa’iil

Addis Ababa DEC 06, 2020 (Hidar 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Warbixin  uu soo saaray booliiska Israa’iil, ayaa lagu sheegay in bannaanbaxyo ay ka dhaceen fagaaraha Paris oo ku yaal meel u dhow hoyga uu deggan yahay Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu.

’’27 qof ayaa loo xidhay banaanbaxyada ka dhacay fagaaraha Paris, oo sababay qalalaase iyo xidhnaanshaha waddooyinka,” ayaa warbixinta lagu sii daray.

Mudaharaadadan oo kumaan kun dhigayaan ayaa sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi waxa uu dhaawac xumi kasoo gaadhay oday waayeel ah oo 82 jir ah,kaas oo qayb ka ahaa bannaanbaxyada is dabajooga ah ee Israa’iil ka aloosan.

Sida ay ku warramayso warbaahinta  Israa’iil  ,waxa ay Israa’iiliyiintu dalbanayaan in Netanyahu uu xilka is casilo sababo la xidhiidha musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay maareynta cudurka coronavirus (Covid-19) taas oo keentay in ay mawjado banaanbaxyo ahi kaga furmaan  meelo kala duwan ,gaar ahaana magaalada Qudus iyo caasimada Tel Aviv ,xilli ay kusoo laba kaclaysay mowjaddii labaad ee cudurka Covid-19  oo ay u dheertay heerka shaqo la’aanta oo faraha kasii baxaya.

Netanyahu waxa bishii 5aad kusii socda bannaanbaxyada looga horjeedo ee ah in uu xilka iska casilo ,taas oo ay israa’iiliyiintu ku eedaynayaan meerayn la’aanta safmarka Covid-19 iyo musuqmaasuq baahsan oo dul hoganaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.