Fana: At a Speed of Life!

270 arday oo ka qalinjebiyay Kuliyada Farsamada iyo Xirfahada Qabridahar

Addis Ababa,Feb 14, 2021 (Yekatit 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-270 Arday Oo Ah Dufcadii 5aad Ee Wax kabaranaysay Kuliyada Farsamada iyo Xirfahada Qabridahar Ayaa Kaqalin Jabisay Kuliyadaasi.

Xafladani qalin jabinta ayaa waxaa kasoo qabgalay masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha Gobalka qoraxay mudane fu’aad yuusuf, madax wayne kuxigeenka jaamacada qabridahar mudane bashiir yuusuf,maareeyaha kuliyada farsanada iyo xirfadaha qabridahar mudane C/khadar maxamed,Ardaydii qalin jabinaysay,qaraabada ardaydaasi iyo martisharaf kale.

Waxaan xafladani kahadalay Gudoomiyaha Gobalka qoraxay iyo madax wayne kuxigeenka jaamacada qabridahar oo ugu horayn u hanbalyeeyay ardayda kaqalin jabisay kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee qabridahar iyagoona sheegay in waxa kali ah ee marwalba loo baahan yahay ay tahay farsamada gacanta.

Dhankiisa maareeyaha kuliyada farsanada iyo xirfadaha qabridahar oo kahadalay madashaasi ayaa kawar bixiyay in farsamada iyo xirfaduhu yihiin kuwo si fudud lagu baran karo islamarkaana lagaga bixi koro sabool nimada.

Geesta kale waxaa abaal marino la gudoonsiiyay ardaydii latimiday firfir coonida iyo dadaalka dheeriga ah intii ay wax barashada dhiganayeen.

Dufacadan oo ah dufcadii 5aad ee kaqalin jabisa kuliyada farsamada iyo xirfadaha Ee qabridahar oo ay tiradoodu dhantahay 270 arday ayaa 216 kamid ah ay yihiin rag halka 54 ay ahaayee dumar.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.