Fana: At a Speed of Life!

Muwaadin kasta oo ka faa’idaysanaya qorshaha badbaadinta caafimaadka bulshada ee 10-ka sano ee socda.

Addis Ababa Jul 19,2020 (Hamle 12,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku suurtagelinayso in muwaadin kasta uu ka faa’iideysto qorshaha badbaadinta caafimaadka bulshada ee Tobanka sano ee soo socda.

Wasaaraddu waxay wadaxaajoodyo la yeelatay daneeyayaasha qorshaheeda tobanka sano.

Inta lagu guda jiro qorshahan 10ka sano, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Liya Tadesse waxa ay sheegtay in loo baahanyhay  dadaallo badan oo la sameeyo si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshada ka haysta waaxda caafimaadka.

Liya ayaa tidhi “isu dheelitir la’aanta kaabayaasha caafimaadka, sinaan la’aanta adeega iyo jiritaanka cudurada aan la is qaadsiin karin ayaa qeyb libaax ka ah waaxda,” waxa ay sidoo kale tidhi “qorshahani muhiim ayuu u yahay in wax laga qabto arrimahaas.”

Qorshahu waxa uu hiigsanayaa inuu kordhiyo rajooyinka nolosha ee muwaadiniinta laga bilaabo da’da 65 ilaa 70 sano iyo yareynta xadiga dhimashada ,Iyo yaraynta dhimashada dhallaanka oo la yaraynayo xaddi saameeyeed ah 30 ilaa 12 iyo weliba yareynta xaddiyayada dhimashada ee cudurrada aan la is qaadsiin.

Waxay sheegtay in dawladdu ay rajaynayso inay si buuxda ula socto caymiska caafimaadka bulshada ee dalka ee 10 sano gudahood sida sanad miisaaniyadeedka hadda jira.

Dr. Liyaa ayaa sidoo kale intaa raacisay dadaallo lagu dardargelin doono sidii kor loogu qaadi lahaa caymiska caafimaadka bulshada oo la gaadhsiiyo boqolkiiba 49 illaa 100kiiba boqol Toban sano gudahood.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.