Fana: At a Speed of Life!

Khubaro tilmaantay in hirgelida buuxinta wejigii koowaad ee biyo-xidheenka ay tahay guul dublamasiyadeed.

Addis Ababa Jul 23,2020 (Hamle 16,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Khubarada ayaa sheegay in ku guuleysiga bilowga koowaad ee mashruuca biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ay muujineyso guushii diblomaasiyadeed ee qaran ee ay ka soo gaadhay arrimahii loo haystay muddo toban sano ah oo wax looga qabanayay arrimaha biyaha Niil.

Endale Nigussie oo ah Diblomaasi iyo Professor caalami ah oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, oo si gaar ah ugu warramayay hay’adda warbaahinta ee FBC ayaa sheegay in buuxinta markii ugu horreysay ee biyo xidheenka ay si cad u muujineyso sida ay Itoobiya ugu guuleysatay in ay soo gabagabeyso wadadii diblomaasiyadeed ee muddada dheer ee Webiga Abay.

Endale waxa uu xusay in Itoobiya ay ku guuleysatay inay ku soo celiso arinta wabiga Niilka Adis ababa iyadoo ku tilmaamtay talaabadani mid laba guulood ah ka dib arrimahihii lagu muransanaa.

Endale oo Isbarbardhigaya arrimahan iyo guushii laga gaadhay dagaalkii Adwa waxa uu sheegay in Itoobiya ay noqotay meel wanaagsan oo la jaanqaadi karta hoggaanka arrimaha Afrika ee ku aaddan wadada saxda ah ee ay gacanta ku hayaan Afrikaanku.

Guusha laga gaadhay arrimaha biyo-xidheenka (GERD) si muuqata waxa ay u muujineysaa sida saameynta diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay ugu koreyso heer gobol iyo caalami ahaanba.

Getachew Mekonnen, oo ah cilmi baadhe ka tirsan Hay’adda Cilmi-baadhista Istiraatiijiyadeed ee Itoobiya, ayaa dhiniciisa, sheegay in Midowga Afrika uu muujiyey masuuliyadiisa Afrikaanimo intii lagu jiray wadahadalladii la qabtay ee arrinta biyo-xidheenka (GERD) in ay ku guuleysatay hawsheeda sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Afrikaanka ee Afrikaanka laftooda.

Endale waxa uu intaas raaciyay “Itoobiya waxay ku talaabsatay mabda ‘cadaalad ah oo macquul ah in loo wada adeegsado wabiga Niilka iayada oo la raadinaya xalka gobolka halka Masar ay arinka u qaadaysay wadamo kala duwan oo ka baxsan Africa iyo dhowr urur oo caalami ah,” ayuu yidhi Endale isagoo intaas raaciyay “Itoobiya waxa ay laba guulood ka gaadhay labadaba dhinac ee xagga dhismaha biyo-xidheenka iyo dhanka-diblumaasiyadaba ”.

Getachew ayaa intaa ku daray in doorka Midowga Afrika iyo gudoomiyahooda ahna Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa,uu waafajiyay Ajandaha Horumarinta Midowga Afrika ee sanadka 2063-ka kaas oo qeexaya Xalinta Afrika ee Dhibaatooyinka Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.