Fana: At a Speed of Life!

Duufaan dabaylo wadata oo ku dhufatay koonfurta gobolka Texas ee Maraykanka.

Addis Ababa Jul 26,2020 (Hamle 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Duufaanta Hanna ayaa ku dhufatay xeebaha koonfurta gobolka Texas, ee dalka Maraykanka iyadoo saraakiisha Mareykankuna ka digayaan duufaano sababi kara shilal nafeed, dabaylo xoogan iyo roobab culus.

Guddoomiyaha gobolka Greg Abbott waxa uu  soo saaray bayaan ku saabsan digniin musiibadan ah oo ku waajahan 32 degmo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in cudurka dillaaga coronavirus uu carqalad ku noqon doono hawlaha gurmadka deg dega ah ee masiibadan.

Duufaanta Hanna ayaa sabtidii ka ka bilaabantay Jasiiradda Padre, waxayna hadda ku dhufatay  aagga u dhexeeya magaalooyinka Corpus Christi iyo Brownsville.

Dabaylaha oo ku socda xawaare lagu qiyaasay  90mph (145km / saacaddii), ayaa waxa ay guryaha kala tagaysaa saqafka sare.

Xarunta Duufaannada ee Mareykanka ayaa ka digtay in dhibaatooyinka duufaantan ay ku sii baaheyso qeybo ka mid ah xeebaha Texas.

Waxayna xarunta dadka deegaanka ku boorrisay iney raacaan hadalka hay’adaha ka shaqeeya adeegyada deg-degga ah.

Waxaa la filayaa in duufaantu ku dhufato agagaarka deegaanka Houston sida laga xigtay wakaalada wararka  Houston Chronicle.

Duufaanta  Hanna ayaa ku dhufatay koonfurta gobolka  Texas iyadoo gobolkaasi la daaladhacayo saamaynta ee xanuunka Cororona  waxaana gobolkan laga diiwaan geliyay 380,000 oo xaaladood oo feyraska ah iyo 5,000 oo dhimasho ah.

xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.