Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 564 xaaladdood oo cusub iyo 9 qof oo u dhintay covid-19

Addis Ababa Aug 6, 2020 (Hamle 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalkan Itoobiya ayaa warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 564 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah 24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii baadhitaan sheybaadh la mariyay 9,068 qof.

Geesta kale Wasaaradda cafimaadka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaangelisay 9 xaaladood oo dhimasho cusub ah oo u geeriyooday feyraska koroona ,iyada oo tirada guud ee u dhimatay feyraska guud ahaan dalka ay dhantahay 365.

Tirada guud ee feyrasku ku dhacay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan 20,900.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 429 qof oo ka kacay feyraska(bogsaday) 24-kii saacadood ee la soo dhaafay kana dhigay tirada guud ee ka caafimaaday feyraska 9,027.

Dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa iyana dhan 170 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 11,506.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku sameeyay 468,814 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.