Fana: At a Speed of Life!

Isku aadka wareega 8-dhammaadka koobka gobollada iyo maamul magaalooyinka DDS oo lasoo saaray

Addis Ababa,Feb 24, 2021 (Yekatit 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa shalay lasoo gebageneeyay tartankii heerka group-yada ee dhibca tirsiga koobka gobollada iyo maamul magaalooyinka deegaanka somaalidda  oo sirasmi ah uga socda Magaalada Jigjiga ,waxaana kasoo qayb galay 17 xul oo ka kooban gobollada iyo maamul magaalooyinka.

Haddada xulalka kasoo baxay heerka group-yada ayaa ah 8 xul oo kala ah Maamulka magaaladda Jigjiga,Gobolka Sitti,Gobolka Jarar, M.M Dhagax-buur ,Gobolka Faafan,M.M.Qabridahar,Gobolka Daawa iyo M.M Wajaale. Xulalkan usoo gudbay wareegga sided dhammadka ayaa isugu beegmay sida tan:

M.M Jigjiga vs Gobolka Sitti

M.M Dhagax-buur vs Gobolka Jarar

Gobolka Faafan vs M.M Wajaale

M.M Qabri-dahar  vs Gobolka Daawa.

Ciyaarta ugu horraysa waxa maalinta khamiista ee taariikhdu tahay 25/2/2021 ama 18/6/2013 T.I.wada ciyaaraya xulalka  M.M Jigjiga vs Gobolka Sitti.

  1. M.M Dhagax-buur vs Gobolka Jarar (26/2/2021 ama 19/6/2013 T.I)
  2. Gobolka Faafan vs M.M Wajaale (27/2/2021 ama 20/6/2013 T.I)
  3. M.M Qabri-dahar vs Gobolka Daawa. (28/2/2021 ama 21/6/2013 T.I)

FG.ciyaar kastaa waxa ay bilaabmaysaa saacaddu markay tahay 3:30 pm (9:30 pm) sida kasoo baxday xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha ee DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.