Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha DDS oo isu diyaarinaya sidii ay natiijo uga soo hoyn lahaayeen tartanka fudud kaasoo dhawaan ka furmi doona magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Mar 26, 2021 (Megabit 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha DDS ayaa dadaal ugu jira sidii ay natiijo uga soo hoyn lahaayeen tartanka fudud kaasoo dhawaan ka furmi doona magaaladan Addis Ababa.

Haddaba, garoonka kubbada cagta ee magaalada Jig-jiga ayaa waxaa ka socda tababar ay samaynayaan dhallinyarada u matalaysa DDS ee ka qayb-galaysa tartanka horyaalka Itoobiya (Ethiopia champion) ciyaaraha kala duwan, gaar ahaan ciyaaraha oroddada iyo booddada kasoo dhawaan ka furmi doona caasimadda dalka.

Cismaan Maxamed oo ah madaxa ciyaaraha fudud ee DDS ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin tartanka inay guul ka soo hooyaan, maadaamoo ay dhallinyarada tartankii hore ee ka dhacay magaalada Asale ee deegaanka Oromiya billado dahab ah ka keeneen.

Dhankooda ciyaaryahanka ka qayb-galaya tartanka ciyaaraha ayaa sheegay inay guulo ka soo hoyn doonaan tartanka ciyaaraha horyaalka Itoobiya (Ethiopia champion) kaa soo ay ka qayb-galayaan ciyaaraha kala duwan ee dalka oo dhan ah.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.