Fana: At a Speed of Life!

Xulka qaranka Itoobiya oo galabta la ciyaaraya dhiggiisa Ivory coast

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa galabta saacadda geeska Afrika markay ay tahay 4-ta galablimo kulan ka tirsan heerka guruubyada ee koobka qaramada Afrika ee( CAF) ,wada ciyaari doona xulalka qaramada Itoobiya iyo Ivory Coast, kulankan ayaana marti loo yahay xulka maroodiyada.

Labada xul ayaa ka wada tirsan group k,waxaana kaalinta kowaad ee gruupkan 10 dhibcood ku hoggaaminaya xulka qaranka Ivory coast ,halka kaalinta 2aad-na uu ku jiro xulka qaranka Itoobiya o o leh 9 dhibcood.

Labada xul ayaa horay u wada ciyaaray lugtii hore,halkaas 2-1 uu ku badiyay xulka qaranka Itoobiya ,kulankaasina waxa uu ka  dhacay garoonka bahirdar stadium dhammaadkii sannadkii 2019.

Labada xul ayuu kulankani muhiim u yahay ,maadaama xulkii badiyaa uu iska xaadirin doono wareega xiga ee koobka qaramada Afrika.

Waxa groupkan ku weheliya xulalka Niger iyo Madagascar oo iyagauna 3 iyo 7 dhibcood ka helay kulamadii ay ciyaareen sida ay u kala horreeyaan.

Dhanka xulka qaranka Madagascar ayaa cadaadis ku haya labadan xul ee groupka hoggaamiya ,waxaanauu  galabkta martigelinayaa xulka Niger oo isagu xaqiijistay in uu macasalaameeyo koobka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.