Fana: At a Speed of Life!

Adanej Abebe oo loo doortay Duqa magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Sep 28,2021 (Maskarem 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha deegaanka ee magaaladan Addis Ababa ayaa maanta Adanej Abebe u doortay duqa rasmiga ah ee caasimadda.

Xubnaha golaha ayaa si aqlabiyad leh ugu doortay Adanej in ay noqoto duqa buuxa ee magaalada Addis Ababa laga bilaabo maanta oo ay bisha Maskerem tahay 18, 2014.

Adanech ayaa ahayd Mayor-kuxigeenkii magaalada Addis Ababa ee hore loogu beddelay Injineer Takele Uma oo ahaa Mayor-ku -xigeenka hore ee caasimadda Addis Ababa iyada oo xilka laga wareejiyay markii dalka isbedelladu ka hanaqaadeen.

Adanej oo khudbad jeedisay ka dib markii loo dhaariyay duqa rasmiga ah ee magaaladan Addis Ababa ayaa wacad ku martay inay bixin doonto adeegyo tayo leh oo ku habboon meeqaamka magaalada iyo rabitanka dadweynaha ku dhaqan.

Dhanka kale, iyadana waxa af-hayeeenka Golagha deegaanka ee magaaladan Addis Ababa loo doortay  Buzena Alkadir.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.