Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti oo sheegay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay askaraynayaan carruurta islamarkaana geynayaan furimaha hore ee dagaalka

Addis Ababa,July 22, 2021 (Hamle 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaarrada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay carruurta geynayaan furimaha hore ee dagaalka,islamarkaana aanay wax xil ah iska saarayn xuquuqda Aadanaha.

Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda,Danjire Dina Mufti,ayaa shirkiisii jaraa’id waxa uu ku sheegay in kooxdas argagixisada ah ku xadgudubka xuquuda carruurta ka sokow, ay dibindaabyo ku tahay gargaarka bani-aadannimo ee loogu talogalay dadka tabaalaysan.

Danjire Dina oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in xabad-joojinta dhinaca keliya ahayd ee dowlada,ay ujeedadeedu ahayd sidii dadka beerayda ahi si nabdoon ugu tabcan lahaayeen beerahooda,balse kooxda argagixisada ah ee TPLF ay iska dhegamartay ujeedadii xabad-joojinta laga lahaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.