Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeenka Aqalka federeeshanka iyo safiirka Qadar ee Itoobiya oo kulan wada qaatay

Addis Ababa DEC 16, 2020 (Tehsas 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Af-hayeenka Aqalka Golaha Federeeshanka JDFI mudane Aadan Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qadar u fadhiya dalkan Itoobiya  mudane Hamad bin Maxamed Al Dosari.

Labada masuul waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ee soo jireenka ah ee u dhexeeya dalkan Itoobiya iyo Qadar ee dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda kaas dhabaha u xaadhaya xidhiidho dhinacyo badan leh.

Intii wadaxaajoodku socday, afhayeenka aqalku waxa uu warbixin ka siiyay Safiirka Qadar waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya gaar ahaana taabagelintii sarraynta sharciga ee deegaanka Tigray.

Afhayeenka aqalka ayaa sidoo kale xusay go’aankii dib loogu dhigay doorashadii 6aad ee dalka ka qabsoomi lahayd, sababo la xidhhiidha fayraska Koroona.

Wuxuu yidhi dhammaan dawlad deegaannadu way aqbaleen go’aanka la qaatay ee ahaa in dib loo dhigo doorashada marka laga reebo hogaamiyaashii kooxda TPLF kuwaas oo iyagu qabsaday doorasho dastuurka baalmarsan.

Iyadoo aan la ixtiraamin go’aankii Golaha Federeeshanka ee ahaa in dib loo dhigo doorashada ilaa sannadka 2021, markaasoo khatarta cudurka COVID19 ay noqon karto mid la maareyn karo ,ayaa TPLF waxay ku gacan saydhay sharcinnimadii dowladda federaalka ah iyadoo sameysatay guddi doorasho oo heer deegaan ah islamarkaana ay qabsatay doorasho ayuu yidhi.

Dowlada Itoobiya wwaxa ay u dulqaadatay kooxdii TPLF maadaama markasta ahmiyada la siinayay si aanay dhib u gaadhin dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray.

“Laakiin weerarkii foosha xumaa ee ay Tplf  ku qaaddday Taliskii Woqooyi ee Ciidamada Difaaca Qaranka ayaa ku qasbay dawlada federaalka inay bilawdo hawlgalkii sharci fulinta kaas oo si hufan loogu soo gabagabeeyay.

Hadda dowladdu waxay diiradda saaraysaa sidii dambiilayaasha loo horkeeni lahaa caddaaladda,dib dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dib u dejinta dadka ay dhibaatadu saameysey ”, ayuu yidhi afhayeenka aqalku.

Dhanka kale,Mudane Aadan wuxuu bogaadiyay dadaalka Amiirka Qatar uu ugu jiro sidii uu Cisbitaal takhasuska keyaha uga hirgelin lahaa dalkan itoobiya iyo taageerada kale ee ay ee dalka qadar uu ka gaysnayo dhinacbo badan oo kala duwan.

Waxa kale oo uu xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Itoobiya hirgelinta heshiisyada ay labada dal kala saxiixdeen

Danjire Hamad bin Maxamed Al Dosari, ayaa dhankiisa bogaadiyay isbedellada ka  hanaqaaday Itoobiya isaga oo balanqaaday taageerada dalkiisa uu ka gaysanayo dhanka horumarka dalka.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maalgashadayaasha Qatar ay daneynayaan sidii Itoobiya maalgashiyo ugaga samayn lahaayeen dhinacyo badan maalgashiyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.