Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeenka Aqalka wakiillada oo kulan la qaatay Senatar Jim Inhofe

Addis Ababa,June 01, 2021 (Ginbot 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Af-hayeenka Aqalka Wakiilada JDFI, Tagesse Chafo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay islamarkaana kulan is-xogwaraysi la qaatay Jim Inhofe oo ah sanatar ka socday dowlada Mareykanka.

Labada dhinac ayaa waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo la xidhiidha  danaha  heer qaran iyo heer gobol iyo weliba xaaladihii ugu dambeeyay ee Itoobiya.

Af-hayeenka Aqalka ayaa warbixin ka siiyay Senator-ka Mareykanka aarrimo ay ka mid yihiin  dhammaystirka talaabooyinkii sharci kuso dabaalida deegaanka Tigrey ,dedaallada samafalka ee ka socda deegaankaas, iyo dedaallada wax looga qabanayo khilaafka dhanka xuduudaha ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Senatarka ayaa dhankiisa bogaadiyay warbixintii uu ka helay afhayeenka aqalka, wuxuuna cadeeyay inuu aragti cad ka helay xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka socda Itoobiya.

Senator-ka Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyey sida ay uga go’antahay ku taageerida howlaha guud ee Itoobiya ay ka wado dhammaan qeybaha kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.