Fana: At a Speed of Life!

Agaasimaha bangiga adduunka ee Wadamada Itoobiya,Koonfurta-sudan,Eretariya, Iyo Suudaan Oo gaadhay Jigjiga.

Addis Ababa,Mar 12, 2021 (Megabit 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Agaasimaha bangiga adduunka ee Wadamada Itoobiya,Konfurta-sudan,Eretaria, Iyo Sudan ayaa gaadhay Jigjiga.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxwayne kuxigenka Deegaanka Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo masuuliyiin kale ayaa kuqaabilay garoonka diyaaradaha ee garaad Wiil-Waal masuuliyiin ay hogaaminayeen Agaasimaha bangiga aduunka ee wadamada Itoobiya, Eretaria, Sudan, iyo koonfurta Suudaan, iyo Wasirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta ee JDFI Marwo Filsan C/laahi.

Cusmaan Dion Agaasimaha Bangiga Aduunka oo soodhawayn Kadib kula hadlay saxaafada guriga nasashada ee garoonka ayaa Sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in markii ugu horaysay uu soogaadho Deegaanka Somaalida,ujeedada kadanbaysa ay tahay in ay caawimaad iyo taageero ay umuujiyaan Shacabka Deegaanka.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa geestiisa Sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soodhawaynta masuuliyiintani, iyadoo lagu jiro xili Deegaanka soomaalidu uu ubaahanyahay taageero iyo garab istaag,marka la’eego abaaraha wakhtigani jira iyo barakacayaasha kusugan Qoloji.

Agaasimaha Bangiga aduunka Cusmaan Dion, ayaa marka laga yimaado Addis Ababa Iyo Deegaanka Tigray,Waxa ay unoqonayaa Deegaankii 3aad ee uu socdaal kuyimaado Dalka Itoobiya, taasi oo lafilayo in caawimaad iyo taageero uu umuujiyo shacabka Deegaanka.

Mudane Cusmaan Dion ayaana booqday barakacayaasha kusugan Qoloji,iyadoo kulamana uu Laqaadan doono masuuliyiinta sare ee deegaanka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.