Fana: At a Speed of Life!

Akademiyada milateriga dalkan Itoobiya oo ay saraakiili ka qalinjebisay

Addis Ababa Aug 23, 2020 (Nehaase 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Akademiyada militariga dalkan Itoobiya ee Hayelom Araya ayaa maanta waxa ka qalin jabiyay saraakiil tababar ku qaatay cilmiga militariga iyo hoggaaminta oo mudo labo sannodood ah waday.

Munaasabadda qalin jabinta waxa ka soo qeyb galay jen. Berhanu Jula oo ah Kuxigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Madaxa Qeybta Howlgallada Militariga ee Ciidamada Difaaca Qaranka dalkan Itoobiya (ENDF) iyo Marti sharaf kale.

Jeneraal Berhanu waxa uu sheegay in militarigu ay diyaar u yihiin in ay Itoobiya ka saaraan waqtigii kaga lumay xilliyadii hore iyo sidoo kale in ay difaacaan horumarka, nabadda iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Waxa kale oo ku boorriyay ardayda qalin jabisay inay noqdaan geesiyaal si ay u ilaaliyaan danaha guud ee dalka.

Sarreeye guud jen.Taddesse Mekuriya, oo ah madaxa akadeemiyada, ayaa dhankiisa sheegay in qalin-jabiyayaashu (saraakiisa qalinjebisay) ay qaateen tababar ah culuumta milateriga iyo mid hoggaamineed oo labo sano ah Iyada oo 29 ka mid ah saraakiisha qalin jabisay ay haween ahaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.