Fana: At a Speed of Life!

Aqalka sare iyo jaamacdda Addis Ababa oo wada gaadhay heshiis cimibaadhiseed

Ababa Oct 05, 2020 (Maskerem 25,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Afhayeenka Aqalka Golaha federeeshanka mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in jaamacadda Addis Ababa loo xushay xog ka keenista arrimo kala duwan oo cilmi baadhis wax ku oo ah u baahan si go’aan midha dhal ah looga gaadho.

Afayeenka aqalka oo ka hadlayay munaasibaddii kala saxeexashada heshiiskan ayaa sheegay in heshiiska looga gol-leeyahay in laga caawiyo Aqalka sidii uu si hufan u gudan lahaa waajibaadkiisa ku aaddan dhinacyada dhismaha qaranka, iyo geedisocodka dimuqraadiyada iyadoo lagu saleynayo waajibaadka dastuuriga ah.

Meelaha barnaamijyada cilmi baadhiseed ay ka samaynayso jaamacaddu sida ku xusan heshiiska waxa ka mid ah dhisidda midnimada ummadda iyo ilaalinta nabadda, xaqiijinta isbadal wax ku oo ah iyo saami qeybsiga kheyraadka si cadaaladi ku dheehantahay, sarreynta ku dhaqanka dastuurka iyo gacan-siinta awoodda fulineed ee Aqalka.

Jaamacadda Addis Ababa waxa ay ballan-qaadday inay soo gabagabeyn doonto cilmi-baadhista ku saleysan dhisidda awoodda hay’adaha iyo howlaha dib-u-habeynta muddo saddex bilood gudahood ah isla markaana ay Aqalka federeeshanka ugu soo bandhigi doonto daraasadda sida ugu habboon.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.