Fana: At a Speed of Life!

Axmed shide: “inkastoo bilihi lasoodhaafay ay dhaqaalaheena dhibaato saamaysay haddana dhaqaalaha shirkadaha yar yari ma wax yeeloobin”

Addis Ababa,DEC 23,2021 (Tihsas 14,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka wasaaradda maaliyada JDFI, Mudane Axmed shide ayaa sheegay in inkastoo bilihi lasoodhaafay ay dhaqaalaha wadanka dhibaatooyin saameeyeen, Haddana aysan kobaca dhaqaalaha shirkadaha yar yar dhibaatadu saamayn.

Wasiirka maaliyada oo kaqayb galay fagaaraha wayn ee waaxda Xoghaynta saxaafada ee xafiiska Ra’iisal wasaaruhu soo diyaarisay ee Addis weg, ayaa sheegay in hawlaha ganacsiga dibada iyo dhoofinta waxsoosaarka shaqooyin wanaagsan laga qabtay islamarkaana hawlaha shaqo abuurka fursado balaadhan laga sameeyey.

Geesta kale, Wasiirka Maaliyada JDFI mudane Axmed shide maxamed ayaa cadeeyey in hay’adaha dawlada ee dagaalku saameeyey ay hadda shaqada si caadi ah u wadaan, hawlaha gargaarkuna si wanaagsan usocdaan, halka goobaha argagixisada TPLF laga sifeeyeyna horumarinta aas-aasiga dayactir lagu wado islamarkaana ay xarumaha adeegbixinta bulshadu shaqada bilaabeen.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in daraasaad lagu samaynayo khasaaraha horumarinta aas-aasiga loogaystay miisaaniyadna looqabanayo.isagoo wasiirku bulsho wayn itoobiya iyo bahwadaagta dhanka horumarinta aas-aasiga ugu baaqay inay doorkooda kaqaataan dadaalada dawladu wado.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.