Fana: At a Speed of Life!

Azerbaijan oo soo bandhigtay tirada askartii kaga dhimatay dagaalkii Nogorno karabakh.

Addis Ababa DEC 03, 2020 (Hidar 24,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaarada Gaashaandhiga ee Azerbaijan ayaa bayaan ay soo saartay khamiistan maanta ku sheegtay in 2,783 askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda ay kaga shihiideen dagaalkii ay la gashay Armenia ee dib ay ugaga xoraysay gobolka Nogorno karabakh caalamkuna u aqoonsanaa dhul ay lahayd Azerbaijan Sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda gashaandhiga Azerbaijan ayaa sidoo kale bayaankeeda ku xustay in 1,245 askari ay kaga dhawaacween dagaalkaas lagu hoobtay oo socday muddo 44 maalmood ee u dhaxeeyay ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ,kaas oo dhammaaday 10-kii bishii November ee aynu soo dhaafnay ka dib markii ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin ah oo uu Ruushku gadhwadeen ka ahaa.

Dhanka kale,103 askari oo ku dhintay dagaalkaas ayaan la aqoonsan haybtooda balse waxa la wadaa dedaalo lagu baadhayo hidde-sidaha DNA-gooda.

Xiisadda u dhaxaysay jamhuuriyadihii hore ee Midowga Soofiyeedka ka tirsanaan jiray ayaa kacsanayd tan iyo markii 1991-kii, ay Armenia qabsatay gobolka dhiigga badan ku daatay ee Nagorno-Karabakh ee caalamku aqoonsanaa dhulweyne ka tirsan Azerbaijan balse ay Armenia ay iska dhegamartay baaqyo caalami ah oo ahaa in ay gobolkaas iska baxdo, ka hor intii aanay tallaabo milateri 27-kii bishii September kaga jawaabin Azerbaijan.

Dagaalka ayaa bilawday 27-kii bishii September waxaana uu dhammaaday 10-kii November ee ay soo dhaafnay ka dib heshiis xabadjoojineed oo ay wada saxeexeen Azerbaijan, Armenia iyo Ruushka ,kaas Armenia lagu qasbay si salmiya ugu wareejiso Azerbaijan gobollada gacanteeda ku jiray iyada oo gobolkii u dambayeeyayna Armenia ka baxday 1-dii bishan aynu ku jirno ee December kaas oo ahaa marinkii muhiimka ah ee Lichen oo isku xidha Armenia iyo gobolka karabakh.

Anadolu agency 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.