Fana: At a Speed of Life!

Biyo-gelin ay ku baxayso lacag ka badan 750 Milyan oo Birr, oo laga billaabay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,June 26, 2021 (Senee 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Biyo-gelin ay ku baxayso lacag ka badan 750 Milyan oo Birr, laguna soo gabo’gabeyn doono muddo sannad ah ayaa laga billaabay magaalada Jig-jiga.

Mashruuca biyo-gelinta magaalada Jig-jiga ayey ku baxaysaa lacag dhan oo 750,007,535.88 ETB Milyan oo birr ay kharashkeeda bixinayso xukuumadda Deegaanku, waxaana fulinaysa shirkadda China Cevil Engineering Constraction Corporation( CCECC).

Mashruucan oo lagu soo gabo’gabayn doono sida qorshuhu yahay muddo 12 bilood ah ayaa waxaa dhinaca la-talinta leh shirkad laga leeyahay waddanka Kannada oo lagu magacaabo Ms Consultancy P.L.C.

9,745.4 m3 ayey hadda heshaa magaaladu maalintii, balse marka mashruucani la soo gabo’gabeeyo waxay magaaladu heli doontaa labo jibaar biyihii ay heli jirtay oo dhan 20,829.94 M3 mitir kiyuubik maalintii, taasi oo heer daboolkii biyaha Jig-jiga ee horey u ahaa 25% ka dhigi doonta 51%.

Mashruuca biyo-gelintan oo ay ka faa’iideysan doonaan bulsho ka badan 260 kun oo qof ayaa waxaa laga soo jiidi doonaa ceelal ku yaalla magaalada Faafan oo Jig-jiga u jirta 30 Km.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ay qabaan in uu wax weyn ka baddali doono mashruucani biyo-gelintu baahida baahsan ee ka jirta dhinaca biyaha magaalada, innaga oo ku xisaabtamayna wakhtiyada ugu daran ee ay dhacaan oonku, waxa aannu kula dardaarannay shirkadda fulinaysa in ay si deg-deg ah u dhammaystirto mashruucani.

“Dhinaca siyaasadda, maanta markaan taagannahay; haayadihii la lahaa way burburayaan way ka xoog badan yihiin, kana tayo wanaagsan yihiin kuwii horey u jiray”, Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Wasiirka Biyaha, Mudane C/raxman Axmed Xasan ayaa yidhi; ma samaynayno dhagax-dhig mashruuc ee waa billaabitaanka mashruuca waxa aynu maanta isugu nimid. dhaan meel fog loo arooray oo aan biyihiisa la gaadhin ayuu noqday mashruucani oo soo jiitamay, balse maanta waa Ilaahay mahaddii haddii ay inoo fulinayaan shirkado awood buuxda u leh hirgelinta mashruuc biyo-gelin oo tayo leh.

Ugu dambayn, dhir-beeris ayey masuuliyiintu ku sameeyeen agagaarka goobta la qorsheeyay in laga dhiso kayd biyoodyada waraabin doona caasimadda.

Munaasibadda billawga mashruuca weyn ee biyo-gelinta caasimadda Deegaanka ee magaalada Jig-jiga oo ka dhacday hoosta buurta Kaaraamardha ayaa waxaa ka soo qeyb-gashay masuuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Deegaanka oo ugu horreeyo Madaxweyanaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaanka, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasirka Xafiiska Biyaha, Mudane C/raxman Axmed Xasan, musuuliyiin kale oo isugu jira heer deegaan iyo shirkadda fulinaysa mashruucani iyo marti sharaf kale.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.