Fana: At a Speed of Life!

Booliiska Addis Ababa oo gacanta kuso dhigay hub si sharci darro loogu haystay guri ka mid ah guryaha Magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Oct 07,2021 (Maskarem 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Booliiska magaaladan Addis Ababa ayaa maalintii Isniintii ahayd waxa uu gacanta kusoo dhigay hub si sharci darro ah loogu haystay guri ku yaalla Addis Ababa, gaar ahaana qabalaha 32 ee degmada 7 ee Addis Ketema.

Waxaana hubkaas ka mid ahaa saddex bastooladood, walxaha qarxa, iyo noocyada kala duwan ee rasaasta oo uu ku jiro qoriga AK-47.Wax kale oo ay heleen dhukumantiyo sharci darro ah iyo lacag Birr ah oo lagu keydiyay isla gurigaas.

Kahor intaan la baadhin gurigaas, booliska ayaa la sheegay inay qaateen ogolaansho maxkamadeed. Booliskuna wax faahfaahin dheeraad ah kama uu san bixin aqoonsiyada qofka lagu qabtay hubkan iyo dhukumantiyada sharci darrada ah.

Booliiska Addis Ababa ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka wadashaqaynta ay la sameeyeen hay’adaha amniga si loo fashiliyo dambiyada suuragalka ah ee ka dhici kara caasimadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.