Fana: At a Speed of Life!

Booliiska deegaanka Oromada oo sifeeyay 370 xubnood ka tirsanaa fallaagada Oneg-Shene

Addis Ababa DEC 10, 2020 (Tehsas 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Bishii lasoo dhaafay waxa la sifeeyay xubno ka tirsanaa Oneg Shene oo tiradodu dhammayd 370.

Warbixintan oo aanu ka helnay ciidanka booliiska ee deegaanka Oromada ayaa waxa lagu sheegay in tiradaas la sifeeayay, kasokow ay isa soo dhiibeen 176 xubnood kale oo ka tirsanaa jabhadaasi.

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in dadka rayidka ahi ay sidoo kale gacanta ku dhigeen 154 xubnood oo ka tirsanaa kooxda dhul-jiifka ah ee  Oneg-Shene.

Dhanka kale waxa iyana gacanta lagu soo dhigay 183 xubnood ka tirsnaa fallaagada TPLF ,kuwaas oo kooxda Oneg-Shene saad iyo waxyaalo kaleba ku taakulaynayay ,waxaana laga qabsaday 1585 qori oo AK-47 ah,10,902 oo rasaas ah iyo weliba lacago boqolaal kun ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.