Fana: At a Speed of Life!

Booliiska Federaalka Itoobiya oo gacanta kusoo dhigay saddex eedaysane oo isku deyayay in lacag ay kula baxaan dhukumentiyo been-abuur ah

Addis Ababa,Aug 23,2021 (Nehase 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex eedaysane ay gacanta kusoo dhigeen ,xilli ay isku deyayeen in dhukumentiyo been abuur ay bangiga ganacsiga ee Itoobiya(CBE) kagala baxaan lacag cadadkeedu ka badnaa 2 Milyan Birr.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Federaalka oo faahfaaahin ka bixiyay arrrintaasi sida ay u dhacday ayaa sheegay in saddexda qof ee gacanta lagu soo dhigay ay damacsanaayeen in dhukumantiyadaa been abuurka ah ah ay Bankiga Ganacsiga(CBE) kagala baxaan lacag ka badan 2 Milyan oo Birr,iyaga oo adeegsanaya Akoon been-abuur ah oo uu ku qoranyahay magaca shirkada dhismaha ee Salini.

Sarkaalka intaa ku daray in saddexdaas eedaysane oo magacyadoodu kala yihiin Tasfa Michael Tamaane,Takle Birhan Barihe iyo Makbab Balay ,saaka laga qabtay waaxda lami kura la yidhaahdo oo tirsan magaladan Addis Ababa.

Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in eedaysanayaasha looga shakisanyahay in ay gacan saar la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee TPLF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.