Fana: At a Speed of Life!

Booliiska federaalka oo gacanta kuso dhigay 359 eedaysane oo ku eedaysan falal kala duwan

Addis Ababa,Mar 28, 2021 (Megabit 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-komishanka Booliska Federaalka dalkan Itoobiya ayaa sheegay in ay gacanta kuso dhigeen 359 eedaysane oo lagu tuhmay falal ay ka mid yihiin dil, ka ganacsi hub sharci darro ah, lacag dhaqid(lacag foorjeriyayn) iyo xatooyo baabuur.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen komishanku shalay, 135 ka mid ah  eedaysanayaasha ayaa loo xidhay iyaga oo looga shakiyay in ay xidhiidh la lahayeen weerarkii ay kooxda TPLF ku qaaday ciidamada difaaca qaranka dalkan Itoobiya.

7-da kale ee maxaabiista ah ayaa waxa ay ka tirsanayeen Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) -Shene, ayaa lagu sheegay bayaanka.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay hawlgal wadajir ah oo ay la sameeyeen komishanka booliska ee magaaladan Addis Ababa usbuucii la soo dhaafay.

Komishanka booliiska ayaa intaa raaciyay in baadhitaanno lagu wado eedaysanayaasha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.