Fana: At a Speed of Life!

CBC oo ku baaqay wadaxajood ku saabsan arrinta biyo-xidheenka.

Addis Ababa, Juun 24, 2020 (Sene,17,2012 T.I)(FBC/SOMALI) -Ururka Qareennada Kongareeska dadka madow ee maraykanka (CBC) ayaa ku baaqay wada xaajood nabadeed oo ku saabsan mashruuca biyo-xidheenka (GERD).

Ururku waxa uu dhiirigelinaya sii wadida wada shaqeyneed iyo wadahadalada nabadeed ee dhammaan dhinacyada daneeyayaasha mashruuca ,hab ku saleysan iskaashi wada jir ah, is aaminaad wanaagsan, iyo xeerarka qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaan ay soo saareen shalay, ururku waxa lagu yidhi “bilihii ugu dambeeyay wadahadalladu way hakadeen waxaana jiray xiisado cirka isku sii shareerayay oo la xidhiidha arrinta biyo-xidheenka la isku maandhafsanyahay oo saameyn ku yeelan kara saddexda dhinac ee Itoobiya, Masar, iyo Suudaan.”

Mashruucan bilyan doolaradka ah ayaa lagu dhawaaqay sannadkii 2011-kii, waxaana uu saamayn togan ku yeelan doonaa gobolka kaas oo noqonaysaa biyo-xidheenka ugu weyn ee qaarada Afrika oo biyaha koronto lagaga dhalinayo isaga oo soo saari doona ku dhawaad koronto ay awoodeedu tahay ​​6,000MW, islamarkaana Itoobiya u ogolaanaya in ay adeeg koronto u dhoofiso dalalka deriska ah, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Ururku waxa kale oo ugu baaqayaa dalka Mareykanka iyo dhamaan hey’adaha kale ee caalamiga inay ixtiraamaan heshiiskii caalamaiga ahaa ee ay kala saxiixdeen saddexda dal, iyo inay sii wadaan kaalintooda dhexdhexaad, kaliya iyaga oo kala tashanaya midowga Afrika iyo diblomaasiyiinta gobolka.

Gaar ahaan, Ururka midawga Afrika (AU )waxa looga baahan yahay in ay door muhiim ah ka ciyaaraan iyaga oo dhexdhexaadinaya dhammaan dhinacyada in heshiis nabadeed lagaga wada xaajoodo arrinta. ayuu raaciyay.

Ururka qareenada xuquuqda dadka madow ee maraykanku waxa uu ugu dambeyntii taageerayaa wadahadallada nabadeed ee ku saabsan hirgelinta mashruuca biyo-xidheenka, waxaana ay diyaar u yihiin inay ka taageeraan Midowga Afrika iyo dhammaan saamileyda sidii si nabad ah loogu gaadhi lahaa heshiis is-af-garad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.