Fana: At a Speed of Life!

Ciidamadda AMISOM oo helay Gawaadhi cusub, oo kuwa hawl-gallada ah ,si kor loogu qaado Awooda Ciidamada.

Addis Ababa, April 29, 2020 (FBC/SOMALI) Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Lt Gen Tigabu Yilma, ayaa sheegay in awoodda howlgalada ciidamadiisa iyo awoodooda ay ku fulinayaan howlgalada ka dhanka ah cadowga ay wali sarreeyaan.

Waxa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Baydhabo isniintii, xilli uu wareejinayay gawaadhida gaashaaman ee cusub iyo Agab milatari oo kale, kaas oo  wax ku kordhin doonta awoodda haw- galeed iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada AMISOM, si meesha looga  nadiifiyo meelaha  ay argagixisada Al-Shabaab gabaadka ka dhiganayaan ,isla markaana loo sugo xaruma bulshada iyo in laga saaro argagixisada Al-Shabaab  deegaannada gacanta ugu jira ee Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya. 

Dhanka kale,Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa ku ammaanay sida  Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF)  sida hufan ugu meel mariyeen fikirka howlgalka AMISOM iyo sii hormarinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Sida ku xusan qorshaha kala guurka, ciidamada AMISOM waxay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Soomaaliya ,si ay si tartiib tartiib ah  ugu wareejinayaan mas’uuliyadaha amniga dalka ka hor bixitaanka AMISOM ee la filayo inay ka baxaan Soomaaliya.

“Sidaad ogtihiin, waxaan hirgalinaynaa Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, kaasoo saldhig u ah fikirkayaga Hawlgallada.

Tani waxay nooga baahan tahay inaan sugno xarumaha dadka iyo marinnada ugu waaweyn ee sahayda la keeno.Si aan taas u sameysanno, waxaan u baahan nahay qalab casri ah oo awood noo siiya , si aan ugu qabanno hawlgallo weerarro wax ku ool ah oo ka dhan ah cadowga” ayuu yidhi, Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Lt Gen Tigabu Yilma,

XIGASHO:AMISOM

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.