Fana: At a Speed of Life!

Ciidammada isku dhafka ah oo guulo ka gaadhay dhawr furimood oo ay isku farasaareen argagixisada TPLF

Addis Ababa,Oct 26,2021 (Diqimti 16,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Kooxda argagixisada ah ee TPLF ee duulaanka ah ayaa waxa soo gaadhay jab weyn iyadoo ciidamada iskudhafka ahina ay sii wadaan weerarada ay ku  beegsanyaan argagixisada TPLF,waxaana ay ciidamadu guulo kasoo hooyeen dhammaan furimihii dagaalka ee foodda la isku daray, sida uu warbixintan ku sheegay xafiiska isgaadhsiinta ee dawladu.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Axmaarada iyo Maleeshiyada Axmaarada (Fano) oo ay weheliyaan  ciidamada qaranka, ayaa weerar ku qaaday kooxda argagixisada ah ee TPLF ee ku sugan jiidaha hore ee kala ah Worebabo, Tehuledere, Kutaber iyo Delanta.

Khasaare xooggan ayaa ka soo gaadhay kooxda argagixisada ah iska hor-imaadkan iyadoo qaar badan oo ka mid ah askartoodana la sifeeyay kuwa kalana lagu dhaawacay goobahii la isku fara saaray ee kala ah Worebabo, Tehuledere, Kutaber iyo Delanta, sida xafiiska isgaadhsiinta ee dawladu sheegay.

Qaar ka mid ah firxadkii ka badbaaday kooxda argagixsada ayaa u cararay dhanka waqooyiga iyaga oo nafta galay godadka  iyo duurka, sida lagu sheegay warbixinta.

Dawladdu waxa ay ku boorrinaysaa bulshada in ay gacan siiyaan ciidamada isku dhafka ah si looga saaro argagixisada soo duushay meel kasta oo ay gabaad ka dhiganayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.