Fana: At a Speed of Life!

Ciidammada Israa’iil oo Toddoba qof ku dhaawacay Daanta Galbeed

Addis Ababa,Jan 11, 2021 (Dir 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tododoba qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Israa’iil ka rideen magaalada Tulkarem ee daanta galbeed maalinnimadan isniinta ah sida ay werinayaan  ilo wareedyo falastiiniyiin ahi.

Askarta Israa’iil ayaa rasaas ku furay  shaqaale falastiniyyin ah oo siku dayay in ay si dhumaalaysi ah uga gudbaan xayndaab ay Israa’iil ku wareejisay koonfurta Tulkarem ay sida ay ilawareedyadu sheegeen.

Ma jiro wax faallo ah oo kasoo baxay dhanka  maamulka Israa’iil oo ku aaddan dhacdadan.

Israa’iil ayaa mamnuucday isku-gudubka shaqaalaha falastiiniyiinta ah ,taas oo ay sheegtay  tallaabo lagu joojinayo faafitaanka Fayraska Koroona.

Sannadkii 2002-dii ayay ahayd xilligii ay Israa’iil xaydaan ku  wareejisay  dhulka Falastiin ee haysato iyada oo ujeedkeedu ahaa ka hortaga weerarrada  Falastiniyiinta ee gudaha Israa’iil markaas oo Ra’iisal wasaare  Israa’iil ka ahaa  Ariel Sharon. Balse Falastiyiintu dhankooda waxa ay ku tilmaameen Darbigii midab-kala sooca.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.