Fana: At a Speed of Life!

Cusbitaal guud oo ay yeelanayaan Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee Deegaanka Somaalida oo laga dhagax-dhigay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,July 07, 2021 (Senee 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Billawga cusbitaalka guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee Deegaanka Soomaalida ayaa laga dhagax-dhigay magaalada Jig-jiga.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo weheliyaan madaxweyne-ku-xigenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa dhagax-dhigay cusbitaalka guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee DDS.

Cusbitaalkan oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 250 Milyan oo Birr ayaa lagu soo gabo’gabayn doonaa sida qorshuhu yahay muddo 18 bilood ah, waxaana maal-gelinaya Xafiiska Nabadgelyada DDS.

“Cusbitaalkan waxaa ku xigi doona guriyeyn loo samayn doono saraakiisha iyo ciidanka, taasina waxay ka mid tahay dadaallada ay dawladdu ugu jirto daryeelidda iyo kor-u-qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee Deegaanka”, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynuhu wuxuu sida oo kale sheegay in aysan dawladdu diyaar u ahayn dhiillo-colaadeed oo lagu waayo hal askari oo ka mid ah ciidanka, wixii loo maaro (xal) waayo waxa aan ka ahayn mooyaan ee , balse xukuumaddu ay mar walbe ka shaqaynayso sidii is-af-garad nabadeed wax walbe loogu xallin lahaa.

“Inta uu socdo dhismaha cusbitaalkani waxaa bar-bar socon doona tababar guud oo la siin doono dhakhaatiirta ciidanka, si isla iyaga uun ay uga sii hawl-galaan cusbitaalkani guud”, Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa geestiisa sheegay in cusbitaalkani kaliya uusan u adeegi doonin ciidanka, balse carruurta, qoysaska ciidanka iyo bulshada ku teedsan agagaarka cusbitaalkaba uu u adeegi doono.

Xilli laga joogo muddo sannad ah waxaa uu madaxweynuhu ballan-qaaday in dawladdu ay dhisi doonto cusbitaal gaar u ah Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee DDS. ballan-qaadkaasi ayaana maanta fulay.

Cusbitaalkan waxuu qeyb ka yahay dadaallo ay horraan xukuumaddu u billawday oo kor loogu qaadayo nolosha iyo moraalka Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ee Deegaanka dadaalladani weli waa billaw oo way sii socon doonaan sida ay maamulka deegaanku sheegeen.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.