Fana: At a Speed of Life!

Dad badan ayaa ku nafwaayay qarax aad u xoogganaa oo lala beegsaday Huteel ku yaalla magaalada Muqdisho

Addis Ababa Aug 17, 2020 (Nehaase 11,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-ku dhawaad 16 qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen qaraxii lala beegsaday hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay tiro kamid ah maleeshiyaadkii ururka Alshabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhawacamay 13 qof oo kale.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa gaadhi walxyaha qarxa laga soo buuxiyay hoteelka u adeegsaday galabnimada Axadii kahor inta aysan dableeyda gudaha huteelka u gelin.

Hoteelkan oo waqti dhawaa la dhisay waxaa leh nin xildhibaan ah waxaana goobtaasi badanaa jooga saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Dad goobjogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho iyadoo dadka halkaasi ku sugnaana la arkayey iyagoo cararaya.

Ciidamada ammaanka ayaa gebi ahaanba xidhay hoteelka waxayna rasaas isweydarsadeen raggii hubeysnaa ee gudaha huteelka ku sugnaa.

Afar saacadood kadib, Afhayeenka dowladda Soomaaliya Ismaciil Mukhtar ayaa bartiisa twitterka soo dhigay in gebi ahaabna la soo gebagabeyay weerarkii iyadoo raggii weerarka soo qadayna la dilay.

Ilaa haddana ma cadda tirada ragga weerarka ka qaybqaatay.

Weerarka waxa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta iyo Gaashaandhigga, waxaa halkaasi ku dhawacmay tiro kale oo dad ah.

Website-ka gaarka loo leeyahay ee Dhacdonet ayaa hotelka ku tilmaamay kuwa aadka loo ilaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo xidhiidh la leh ururka Al-qaacida ayaa weerarro culus ka geysanayay dalka somaaliya muddo tobban sano ah.

Kooxdan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom waxay ka saaren Magaalada Muqdisho balse weli qaraxyo iyo dilal ayay ka geeystan magaalada caassimada ee dalka Somaaaliya.

Labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa isasooo tarayay weerarada kooxdan ay ka geysanaysay magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii la soo dhaafay is-rasaasayn u dhexeysay al-Shabab iyo saraakiisha amniga ee xabsiga Muqdisho ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.