Fana: At a Speed of Life!

dalalka Itoobiya iyo Jarmalka oo daah-furay tartan iskaashi oo dhanka tamarta ah

Addis Ababa Sep 2, 2020 (Nehaase 27,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Biyaha, waraabka iyo tamarta ee dalkan Itoobiya oo kaashanaysa wasaaradda heerka federaal ee dalka Jarmalka ee arrimaha dhaqaalaha iyo tamarta ayaa si wadajir u daah-furay tartan iskaashi hal-abuur oo hal-ku-dhig looga dhigay  ”xalalka Tamar baahinta Itoobiya”.

Daah-furka tartankan oo loo adeegsaday tiknoolajiyad casri ah, waxa fulinaya mas’uuliyiin sarsare oo ka socda Itoobiya iyo Jarmalka, hawl wadeenada shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hal abuurayaasha, sida ay sheegtay Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamartu.

Tartankan oo lagu casuumayo ardayda iyo cilmibaadhayaasha dalkan Itoobiya ayaa waxa looga gol leeyahay kor u qaadista dadaallada ay dawladdu ugu jirto ballaadhinta helitaanka korontada iyo wax ka qabashada baahida korantada ee ka jirta deegaannada miyiga.

Tartanku waxa uu dhiirrigelinyaa in ku tartamida shaqooyinka hal-abuurka ahi ay xor ka noqdaan ku siidaynta deegaanka maadada kaarboonka iyo sidoo kale ,suuuq ay dadku qiimihiisa awoodi karaan.

Tartanka dhanka iskaashiga tamarta ee Itoobiya iyo Jarmalka ayaa waxa la daahfuray bishii Nofeembar sannadkii 2019 ,kadib markaas oo labada dal heshiiska kala saxiixdeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.