Fana: At a Speed of Life!

Dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo kulan ka yeeshay arrintii Biyo-xidheenka

dAddis Ababa DEC 16, 2020 (Tehsas 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee  dalkan Itoobiya Dr Seleshi Bekele ayaa kulan kula qaatay magaalada Khartuum ee caasimada wadanka Suudaan ,dhigiisa Suudaan ee wasiirka waraabka iyo khayraatka biyaha Prof. Yaassir Cabbaas      .

Sida ay ku warramayso wakaalada wararka ee Suudaan (SUNA), labada wasiir waxa ay isla  soo qaadeen wadaxaajoodkii saddex geesoodka ahaa ee arrinta biyo xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD).

Waxa kale oo ay isla qaateen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadii, iyada oo uu kaalin weyn ka qaadanayo Ururka Midowga Afrika (AU) si loo soo afjaro ismari waaga ku kala aragti -duwanaansha  iyada oo wadatashi lagala samaynayo guddoomiyaha iyo xoghaynta ururka Midowga Afrika.

Dhanka kale,Dr Seleshi waxa uu kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudan mudane Cabdalla Xamduuk.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.