Fana: At a Speed of Life!

Dalka Benin oo maanta looga dareeray codbixinta doorashada madaxtinnimada

Addis Ababa,Apr 11, 2021 (Miyasiya 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Maalinnimadan Axadda ah waxa dalka Benin ee galbeedka Afrika dhaca looga dareeray Codbixinta doorashada madaxtinnimada, iyadoo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradkuna ay ku baaqeen in la qaadaco doorashada, ka dib toddobaad ay socdeen banaanbaxyo dad ku dhinteen oo looga soo horjeeday madaxweynaha xilka haya Patrice Talon, oo si weyn loogu badinayo inuu xilka ku guuleysto mar labaad.

Talon, oo ah milyaneer mulkiile ka ah shirkadaha ganacsiga cudbidda (suuufka) ayaa muddadii uu xilka hahay waxa uu helay hanti badan ,waxayna kooxaha mucaaradku ku eedeeyeen inuu wiiqay sumcaddii Benin oo ah mid ka mid ah dalalka dimuqraadiga ah ee ugu xasilloon Galbeedka Afrika.

Dibadbaxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah toddobaadkan ayaa isu rogay rabshado.

Dadka qaar ayay ciidamada ammaanku khamiistii rasaas ku dileen badhtamaha magaalada Bante ,taas oo ciidamada ammaanku ku sheegeen rasaas digniin ah, sida duqa magaaladaas uu u sheegay idaacada maxaliga ah, isagoon sheegin inta dhimatay.

Magaalada ganacsiga ee Cotonou, dhowr qof ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan rabshado maalinta doorashada.

Christophe Dossou, oo ah arday ayaa yidhi: “Dhacdooyinka maalmahan u dambeeya waa kuwa i cabsi gelinaya.” Waxaan door bidaa inaan taxaddar muujiyo.

Cabashooyinka dibadbaxayaasha waxaa ka mid ah in  madxweyne Talon u balanqaaday in hal muddo xileed uu uu hoggaamin doono dalka sannadkii 2016-kii ,markaas oo uu ahaa musharax madaxweyne.

Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ayaa bayaan ay soo saareen goor dambe oo Sabtidii ah, waxay ugu baaqeen taageerayaashooda inay qaadacaan codbixinta sababo la xidhiidha rabshadaha xooggan iyo go’aanka madaxweyne Talon uu ku doonayo muddo xileed kale.

Dhowr hoggaamiye oo caan ah oo ka tirsan mucaaradka ayaa sanadkan loo xidhay arrimo la xidhiidha argagixisanimo, ayay tidhi Amnesty International. Talon ayaa beeniyay in dowladiisa ay bartilmaameedsaneeyso kuwa isaga kasoo horjeeda.Wuxuu ku ololeeyay taariikhdiisa dhaqaale ee uu gaadhsiiyay Benin.

Benin, oo ah dal ay ku nool yihiin 12 milyan oo qof, ayaa noqday dalka Afrika ugu dhoofinta badan suufka sannadkii 2018 ,waxaana la diiwaangeliyey celcelis ahaan 5% ah korodhka wax soo saarka guud ee sannadlaha ah(GDP)  xilli uu uu hoos u dhacay dhaqaalaha adduunka ,cudurka coronavirus dartii.

“Waxa aan sameynay ma aheyn wax fudud,” Talon ayaa ka yidhi mid ka mid ah isu soo baxyadiisii ​​ugu dambeeyay ee ololaha maalintii jimcaha. “Waan xoog badanahay waana ognahay sida loo sameeyo.”

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.