Fana: At a Speed of Life!

Dalka Koonfur Afrika oo qaaday xayiraadihii saarnaa bulshada ee ka dhanka ahaa safmarka Covid-19

Addis Ababa Aug 16, 2020 (Nehaase 10,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Maalin aad u weyn ayay u tahay dalka Koonfur Afrika oo ah dalka kaalinta 5aad kaga jira kiisaska ugu badan ee caalamka sidoo kalena ,kala-badh laga diiwaangeliyay kiisaska feyraska ugu badan qaararada Afrika iyada oo in ka badan 570,000 ay u kor u dhaafeen kiisaska guud ee dalkaasi halka ay feyraska u dhinteen 11,500 oo ruux sida lagu sheegay xogtii u dambaysay ee ay soo saareen masuuliyiinta caafimaadka Koonfur Afrika.

Dalkan oo ku jiray mid kamid xayiraadahii ugu adkaa caalamka ee ka dhanka ah Covid-19 ayaa haatan la khafiifiyay.

Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu ammaanay qaabka dowladiisa ay u waajahday cudurkan safmarka waxaana uu muujiyay In rajadu ay wanaagsantahay hase ahaate waxaa uu sheegay in dalkiisu waji cusub hadda galay.

Tirada guud ee dhimashada koonfur afrika waa 11 kun balse tallaabo deg deg ah oo cisbitaallada iyo howlwadenada dalkaasi ay sameeyeen ayaa looga hortagay faafitaaka cudurkan, iyada oo dhaqaalaha dalka Koonfur Afrikana uu hoos u dhacay.

Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu sheegay in malaayiin qof ah ay cunno la’aan la daristay wuxuuna madaxweynuhu intaasi kudray in sanado badan ay qaadan doonto in dib loo soo dhiso dhaqaalaha Koonfur Afrika.

Madaxweynahu waxaa uu si kulul ula hadlay masuuliyiinta caafimaadka ee doonaya inay ka faa’ideystaan cudurkan faafaha daran, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa jira walac laga muujinayo in cudurku mar labaad soo labakacleeyo, Madxweyne Ramaphosa waxaa uu sheegay in xaalada soo socoto ay ka darnaan doonto tii hore haddii dadka aanay u hoggaansamin shuruucda caafimadka ee looga hortagayo cudurka.

Dhankakale, warbixin rasmi ah oo ay soo saartay xukuumadu ayaa muujisay in fal dembiyeedku ay dalka Koonfur Afrika hoos ugu dhaceen 40% saddexdii bilood ee dalku ku jiray xayiraadda.

Wasiirka booliska ayaa sheegay in noocyada fal-dembiyeedka dhammaantood ay hoos u dhaceen inti u dhaxaysay Abriil iyo Juun, waxaana ka mid ah falalkaasi yaraaday kufsiga iyo guryaha la gubo.

Wuxuu intaa ku daray in xeerkii lagu mamnuucay khamriga ee muranku ka dhashay intii xayiraadda ka hortagga fayraska korona uu gacan ka geystay arintaas, laakiin ay kordheen weerarrada dhaca ah ee lagu qaado dukaamada iibiya khamriga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.