Fana: At a Speed of Life!

Dalka koonfur Afrika oo xuduudihiisa u furay waddamada Afrikaanka ah

Ababa Oct 01, 2020 (Maskerem 21,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalka Koonfur Afrika ayaa soohdimihiisa u furay dadka safarka ah ee ka kala imanaya dhammaan wadamada qaarada Afrika, balse waxa ay xayiraad ku soo rogay wadamada uu sarreeyo heerka cudurka coronavirus oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka iyo Ruushka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa xuduudihiisa xidhay bishii Maarso si loo xakameeyo faafitaanka fayraska.

Dalkaas ayaa  maanta oo Khamiis ah dib u furayaa qaar ka mid ah xuduudaha dhulka iyo saddexda garoon diyaaradeed ee ugu waaweyn ee Cape Town, Durban iyo Johannesburg.

Dhammaan socotada imanaysaa waa inay haystaan waraaqda ka beri-ahaanshaha feyraska COVID19 ee dalalkooda iyada oo baadhitaanana lagu samaynayo marka ay dalka yimaadaan.

Dadka kasoo socdaalaya waddamada uu caabuqa iyo heerka dhimashadoodu ka sarreeyaan Koonfur Afrika looma oggolaan doono inay dalka iska soo galaan.

Dadka looga shakiyo astaamaha feyraska waxa ay isku qabi doonaan dhammaan kharashka goobaha lagu karantiilayo.

Koonfur Afrika ayaa noqotay waddanka ugu daran ee uu ku habsaday aafada feyraska ee Afrika,Iyadaoo ilaa hadda laga xaqiijiyay 674,000 oo kiis, oo ah  qiyaastii kalabadh tirada kiisaska laga diiwaangeliyay guud ahaan Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.