Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo 300 kun oo tallaalka Covid-19 ah ,ka guddoontay dowlada Shiinaha

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa ka guddoomay dalka shiinaha deeq ah 300 kun oo ah tallaalka Covid-19,kaas oo lagu magacaabo SINO-FARMA.

Safiirka dowladda shiinaha u fadhiya dalkan Itoobiya oo munaasibaddii kala wareegista xidhmooyinka tallaalka Covid-19 hadal ka jeediyay ayaa sheegay  in Itoobiya ay hiil iyo hooba la garab istaagtay Shiinaha xilligii ugu horreeyay ee dalka shiinaha uu ka dillaacay fayraska koroona.

Wasiirka caafimaadka JDFI liya Tadhase ayaa iyana munaasibada ka shegtay in deeqdan tallaalka koroonaha kasokow,ay dowladda shiinuhu ugu deeqday haatan ka hor,habka ka hortageed ee caabuqa koroonaha.

Dhinaca kale,Dr.Liya Tadhase waxa kale oo ay sheegtay in bulshada looga baahanyahay in sameeyaan taxadarka looga hortagayo caabuqa koroonaha ,madaama uu waqti xaadirkan Covid-19 uu si xawli ah ugu sii faafayo dalkan Itoobiya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.