Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo $66.4 M ka helay u dhoofinta korontada ee waddamada deriska ah.

Addis Ababa Aug 4, 2020 (Hamle 28,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa dakhli dhan 66.4 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ka helay dhoofinta tamarta korantada ee loo dhoofiyo Sudan iyo Jabuuti intii lagu gudajiray Sannad-Maaliyadeedkii la gebageebay ee Itoobiya.

Boqolkiiba Boqol toban iyo lix (116%) ayaa lagu guulaysatay qorshihii Tamartan Korontada ee Itoobiya oo ahaa in lagu soo xareeyo 57 oo doolarka Maraykanka ah ka dib tamarta korontada ee dhoofiyay labadan dal ee geeska Afrika ku yaalla.

Wadar dakhli oo dhan 29.3 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah ayaa laga soo xareeeyay dalka Suudaan halka 37.1 Milyana ay ka soo xarootay jamhuuriyada Jabuuti.

Dakhliga la helay sannadkan ayaa 11.5 Milyan oo Doolarka Mareykanka ka sarre maray kii sanadkii hore.

Awoodda keydka korontada ayaa saamaxday in helo koronto joogto ah iyada arrintaas uu qayb libaax ka qaateen roobabka sida joogtada ah ida’aya iyo awoodda uu waddanku wax uga qaban karto korantada ayaa ka caawisay in si habsami leh loo gaadho qorshahan.

Dalkan Itoobiya ayaa ka shaqaynaya abuurista is dhexgalka iyada oo la adeegsanayo adeeg koronto waxaana koronto la gaadhsiin doonaa dalal dheeri ah oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Tansaaniya , Koonfurta Suudaan iyo Somaliland.

Dalkan Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khadka gudbinta korontada ee ku xidhaya dalka Kenya uu dhammaystirkiisu ku dhaw yahay in la soo gebagebeeyoisla markaana si dhaqso ah u loo hawl gelin doono.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.