Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee DDS oo sheegay in geedi-socodka maaliyadeed ee Deegaanka oo qabyo noqdaa uu saamayn taban ku keenayo dhaqaalaha deegaanka iyo dalkaba.

Addis Ababa,Apr 12, 2021 (Miyasiya 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee DDS ayaa sheegay in geedi-socodka maaliyadeed ee Deegaanka oo qabyo noqdaa uu saamayn taban ku keenayo dhaqaalaha deegaanka iyo dalkaba.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka jeediyey gabo-gabada tababar muddo shan (5) cisho ah u socday 100 xubnood oo ka kala socday xafiisyada heer deegaan.

100 kan xubnood oo kala ahaa madaxa Waaxda Xisaabaadka iyo Madax-kooxeedka Qorshaynta ee xafiisyada heer deegaan ayaa waxaa la barayey cashirro la xidhiidha;

• Dar-dar galinta nidaamka maamulka maaliyadda.
• Qorshaynta.
• Miisaaniyadda.
• Maraynta iyo xakamaynta kharash bixinta.
• Maaraynta lacagta caddaanka ah.
• Iibka iyo maamulka hantida &
• Hanti dhawrka.

Tababarkan oo sannad kasta 1 marba la qabto, ayaa waxaa qeyb ka ahayd ka-wada-hadalka sidii loo qabyo tiri lahaa dhaliilaha ka jira waaxda xisaabaadka ee xafiisyada la kala baddalay iyo agaasinadda xisaabaadka ee heer deegaan, maadaama oo ay ku jiraan xubno cusub iyo shaqsiyaad xafiisyo kale laga soo baddalay.

Waxaana gabo-gabadii kulankani ka hadlay wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee DDS oo sheegay in loo baahan yahay in aad looga taxadarro hannaanka maamulka iyo maaraynta miisaaniyadda xafiisyada.

Dhankiisa, wasiir ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DDS C/raxmaan Salaad ayaa kula dar-daarmay xubnihii tababarka loo soo xidhay in ay cashirrada ay tababarka ku qaateen si ficil ah uga dhaqan galiyaan shaqadooda, isbaddal fiicanna laga arko muddada inagu soo foodda leh.

Dhankooda, xubnihii tababarkan qaadanayay ayaa soo dhaweeyay tababarkan, sheegayna in uu wax badan ka baddalayo geedi-socodkooda shaqo.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.