Fana: At a Speed of Life!

dalkan Itoobiya oo ballaadhinaya awoodiisa baadhitaannada ee Covid-19.

Addis Ababa Jul 27,2020 (Hamle 20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa shalay sheegay in dalkan Itoobiya uu kordhinayo awooda baadhitaannada ee COVID 19 iyadoo shirkad maxali ahina ay qarka u saaran tahay inay bilawdo wax soo saarka  agabka feyraska koroona marka la gaadho bisha Oktoobar 2020.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in dawladdu ay heshay qeybtii ugu horreysay oo ah agabka lagu baadho feyraska COVID-19 oo hal Milyan la soo saaray islamarkaana ay ku deeqday shirkad maxalliya ah oo ku hawlan waxsoosaarka agabka caafimaadka si looga jawaabo dadaallada socda ee lagu yareynayo aafada feyraska.

“baadhitaannada maalinlaha ah hadda waa la sii kordhin karaa saddexda bilood ee soo socota, halka agabka tijaabada ah ee gudaha dalka laga soo saaray-na ay diyaar yihiin marka la gaadho  bisha Oktoober 2020,”, ayuu yidhi RW Dr. Abiy.

Dalkan Itoobiya ayaa ilaa iyo hadda tijaabooyin shaybaadh ku fuliyay 382,339 oo qof iyada oo tirada dadka laga helay feyraskana ay ku dhowdahay 14,000.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.