Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 185 kiis oo cusub iyo 115 Bogsasho ah 24 kii saacadood ee u dambeeyay.

Addis Ababa june 23,2020 (Senee 16,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 3,775 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 185 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .sida ay warbixintii u dambaysay ku soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Caafimaadka ee dalkan Itoobiya.

Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda u boodday (gaadhay)4,848 ,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,3 ilaa 80 jir ,kuwaas oo 47 yihiin rag halka 138- ka kalena haween yihiin.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo hal qof oo ajaanib ah

160 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa laga xaqiijiyay Magaalada Addis Ababa kuwaas  105 ruux karantiimo ku jireen, halka min 7 kiis-na laga Diwaangeliyay Deegaannada Oromada iyo Shucuubta koonfureed,4-na waxa laga xaqiijiyay  D.Canfarta sidoo kale min laba kiis laga helay D.D.Soomaalida iyo D.Amxaarada ,halka Deegaannada kala ah Tigrayga ,Gambeela iyo Herarida laga xaqiijiyay min hal kiis oo feyraska ah.

dhanka kale ,waxa  xanuunka kasoo caafimaaday 115 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 81 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka D.Amxaarada ay feyraska ka kasoo bogsadeen 23 ruux oo kale ,iyo 6 D.Oromada ah ,sidoo kale min laba qof ayaa ka bogsaday Deegaannada Herarida iyo Bishaanguul  Gumuz halka Tigrayga-na uu so caafimaaday hal qof, kuwaas oo Tirada guud ee feyraska ka bogsatay ka dhigaya 1412.

Geesta kale ,wax dhimasho ah lama diiwaangelin 24 kii saacadood ee la soo dhaafay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.