Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 250 kiis oo feyraska koroona ah.

Addis Ababa june 26,2020 (Senee 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 5,414  qof oo shaybaadh  lagu sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 250 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .sida ay warbixintii u dambaysay ku soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Caafimaadka ee dalkan Itoobiya.

Kiisaska guud ee feyraska ayaa hadda u boodday (gaadhay) 5,425 ,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,2 bilood ilaa 90 jir ,kuwaas oo 158 yihiin rag halka 92- ka kalena haween yihiin.

kiisaska la xaqiijiyay 240 ka mid ah waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya halka 10-ka qof ee kalena ay ajaanib yihiin.

177 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa laga xaqiijiyay Magaalada Addis Ababa ,Deegaannada kale kiisaska feyraska ee laga diwaangeliyay waa sida tan:-
D.Tigray-ga 21,D.Amxaarada 20,D.Gambeela 18,D.Oromada 8, DD Soomaalida :4 sido kale waxa min hal kiis laga helay feyraska maamul magaalada diridhabe iyo D.Bishaanguul Gumuz.

dhanka kale ,waxa  xanuunka kasoo caafimaaday 144 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 123 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka D.Oromada ay feyraska ka kasoo bogsadeen 8 ruux ,deegganada kale waxa kaso caafimaaday feyraska :-
D. Amxaarada:7, D.Tigray-ga: 7 ruux ,DDS: 5 , D.Oramada: 2

dhanka Tirada feyraska ka soo caafimaaday guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan (maraysa) 1688 qof.

Geesta kale ,waxa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 8 qof oo kale 24 kii saacadood ee la soo dhaafay
Tirada guud ee dhimashada feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 89 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.