Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay xaaladihii ugu badnaa feyraska ee hal maalin gudaheed

Addis Ababa Aug 16, 2020 (Nehaase 10,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay diwaangelisay xaaladihii ugu badnaa feyraska ee hal maalin gudaheed iyada oo wasaaraddu diiwaangelisay 1,652 xaaladood oo cusub ka dib markii tijaabo sheybaadh la mariyay 22,252 ruux 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Warbixintaa cusub ee shalay kadib, tirada kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka coronavirus guud ahaan dalka ayaa gaadhay 28, 894 xaaladood.

Geesta kale , 17 qof ayaa u dhintay fayraska kuwaas oo wadarta tirada dhimashada cudurka ka dhigay 509.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku sheegtay in 377 qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen kana dhigay tirada  guud ee ka caafimaaday feyraska 12,037.

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan 199 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 16,346.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.